975 Views

Somaliya “ Bayaanka Kenya nama quseeyo, wax walaac ahna naguma hayo

Somaliya “ Bayaanka Kenya nama quseeyo, wax walaac ahna naguma hayo
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Sarkaal sare oo Soomaali ah ayaa jawaab ka bixiyey hanjabaadda ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ku sheegtay inay qaadeyso talllaabo cusub oo ay gebi ahaanba ku joojineyso duulimaadyada Soomaaliya, kuwaas oo hadda u furan hay’adaha QM iyo kuwa gargaarka bani’aadanimo kadib markii laga xiray shacabka. 

Kenya ayaa qoraal ay u dirtay ku wargalisay dhammaan ergooyinka Diblomaasiyadeed, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ku sugan Nairobi inay ogaatay si qaldan iyo arrimo siyaasadeed u isticmaaleen fasaxii loo siiyey duulimaadyada Soomaaliya.

Isaga oo ka jawaabay hanjabaadda Kenya, ayaa sarkaal Soomaali ah oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira inaan loo fasaxin ka hadalka arrintan, waxa uu sheegay in Soomaaliy aan si rasmi ah loola wadagain qorshaha Kenya ay duulimaadyaada gargaarka uga xiri karto hawada.

Sarkaalka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ay hanjabaadda Kenya ka aragtay oo kaliya warbaahinta. 

“Bayaanka Kenya nama quseeyo, wax walaac ahna naguma hayo, waxaana Kenya ku wajihi doonnaa sida ay doonayaan,” ayuu yiri. Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan hadda iyo kadib daneyneyn inay wada-xaajood la gasho Kenya, marka ay noqoto duulimaadyada. 

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Kenya ay caalwaa-geeda la xiriira xiridda hawada kala dul dhaceyso diblomaasiyiinta, si ay Soomaaliya ugu cadaadiso inay wada-hadal gasho, taasi oo Kenya ay dooneyso inuu qeyb ka noqdo furista khaatka Kenya ee Soomaaliya ay joojisay.

“Kenya quus ayey hadda taagan tahay,” ayuu yiri sarkaalka.

Dowlada Kenya ayaa 11-kii May mamnuucday dhammaan duulimaadyada tegeya iyo kuwa ka imanaya dalka Soomaaliya, marka laga reebo kuwa QM, diblomaasiyiimta caalamiga ah iyo gargaarka bani’aadannimo, kadib markii dowladda federaalka ay diiday inay dib u fasaxdo khaadka Kenya. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post