930 Views

yuusuf Dabageed oo ugu baaqay dadkii ku Barakacay B/weyne in ay ku soo laabtaan magaalada

yuusuf  Dabageed oo ugu baaqay dadkii ku Barakacay  B/weyne in ay ku soo laabtaan magaalada
____________________________________________________________________________

May 27 2021

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhowaanahan Beladweyne ka wada dadaallo lagu xalinayo beelo lagu dagaalamay duleedka Beladweyne ayaa kulan la qaatay horjoogayaasha maleeshiyaadka dagaalamay, kuwaasi oo ugu dambeyn balan qaaday inay Nabadda ka shaqeyn doonaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa ugu baaqay bulshada inay Nabadda ka shaqeeyaan oo ay ka hortagaan cidkasta oo abuureyso amni darro.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay deegaannada ay colaadda ka dhacday inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, Maamulkana uu ka shaqeyn doono sidii Nabadgelyada loo xoojin lahaa.

Cidkasta oo dagaalka la ajligiisa uga qaxday Beladweyne, gaar ahaan xaafadda Hilaac haku soo noqoto guryahooda, Alle ka sokow anagaa u joogno oo u balan qaadeyno, ma arkayaan wax dhibaato ah, haku soo laabteen guryahooda iyo goobahooda ganacsiga” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post