579 Views

Turkiga oo xabsiga dhigay suxufiyad lagu eedeeyay inay ‘aflagaadeysay’ Erdogan

Turkiga oo xabsiga dhigay suxufiyad lagu eedeeyay inay ‘aflagaadeysay’ Erdogan
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Booliska Turkiga ayaa xabsiga dhigay weriye caan ah oo ka tirsan Telefishinka, kadib hadal ay hawada ka jeedisay oo ku saabsanaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida uu Sabtidii sheegay Qareenkeeda.


Booliiska ayaa Sedef Kabas ku xiray gurigeeda labadii duhurnimo ee Sabtidii, saacado uun ka dib markii ay aragtideeda ku faafisay barteeda Twitterka oo ay kala socdaan 900,000 oo taageereyaasheeda ah.

Suxufiyaddan ayaa si rasmi ah loo xiray kadib markii ay ka soo muuqatay maxkamadda.

Danbiga aflagaaddo madaxweyne ayaa dalka Turkey waxaa lagu muteystaa xabsi hal ilaa afar sanadood ah.


“Wariye ku sheeggan wuxuu si bareer ah telefeshinka uga caayay madaxweynaheenna. Malahan hadaf aan aheyn faafinta nacaybka,” ayuu soo dhigay bartiisa Twitter afhayeenka Erdogan, Fahrettin Altun.

Ururka suxufiyiinta Turkiga ayaa xariga Kabas ku tilmaamay “weerar halis ah oo ka dhan ah xoriyatul qawlka” waxaana kooxaha xuquuqul insaanka ay si joogta ah ugu eedeeyaan Turkiga inuu wiiqayo xorriyada warbaahinta, isagoo xiraya suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahineed ee dhaliila, gaar ahaan tan iyo markii Erdogan uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee July 2016.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post