219 Views

Bas dadweyne oo ku dhacay tog ku yaalla dalka Pakistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 40 qof

Bas dadweyne oo  ku dhacay tog ku yaalla dalka Pakistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 40 qof
____________________________________________________________________________

Axad: January 29, 2023 

Bas dadweyne ayaa ku dhacay tog ku yaalla dalka Pakistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 40 qof oo ka mid ah 48-dii qof ee saarnaa.

Saraakiisha gobolka Balochistan ayaa sheegay in basku uu ka dhacay buundo taasoo sababtay tiir uu ku dhuftay wadihii gaariga.

Shilkaasi waxaa sidoo kale loo aaneynayaa in darawalku uu ku socday xawaare saa’id ah taasina ay keentay in uu lumiyay koontoroolkii gaariga.

Dhanka kale Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay in ugu yaraan toban carruur ah ay ku dhinteen shil doon oo ka dhacay waqooyiga galbeed ee dalkaasi.

Waxay ka mid ahaayeen ilaa 25 qof oo la socday doon dalxiis oo ku qalibantay harada Dam ee Tanda.

Dhibanayaasha waxay ahaayeen arday da’doodu u dhaxayso 7 illaa 14 jir kuwaas oo safar maalinle ah ku joogay degmada Kohat.

Dhowr carruur ah ayaa haatan ku jira xaalad halis ah iyagoo lagu dabiibayo isbitaallada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post