897 Views

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda oo la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Uganda

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda oo la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Uganda
____________________________________________________________________________


Jimco: October 1, 2021

Wararka ka imaanaya safaarada Somaliya ee Uganda  ayaa sheegaya in Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) uu  kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Uganda  Alhaji Abubakar Jeje Odongo iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xariirara ganacsiga labada dal, socdaalka, tababaro la siiyo diblumaasiyiinta iyo xaaladda Soomaalida ku nool Uganda iyo amniga guud ee ee gobolka geeska Afrika iyo sameynta guddi joogta ah oo wadareed ah oo ka shaqeeya xariirka labada dal (JPC)

Sidoo kale Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Cagabaruur ayaa wasiirka kala hadlay in wax laga qabto arrinka socdaalka Soomaalida ee Uganda imaanaya iyo sidii loogu fududeen lahaa dhanka socdaalka oo ugu horeeyo dal ku galka labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post