795 Views

Wararkii Ugu Danbeyey Ee Gobalka Gado

Wararkii Ugu Danbeyey Ee Gobalka Gado
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 29, 2021 —Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ugu Magacaawnaa dowladda Soomaaliya  Cismaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa ka hadlay xaaladda Gobolka Gedo, Arrimaha doorashooyinka iyo is bedeladii dhacay.

Macalimow oo Warbaahinta la hadlay ayaa markii hore ka jawaabay War kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Geeo Axmed Buule Garaad oo ahaa in Mas’uuliyiinta Jubbaland tegi karin Gobolkaas, waxaana uu sheegay in Gobolka Gedo uu kamid yahay Maamulka Jubbaland, isla markaana aysan jirin karin cid ka celin karta mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in mas’uuliyiin uu isaga kamid yahay muddo hal Sano ah si sharci darro ah loo leexiyay kuna maamulayeen Gobolka Gedo, ujeedka laga lahaana ay aheyd in la go’doomiyo Gobolka Gedo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ugu Magacaawnaa dowladda Soomaaliya  Cismaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa sidoo kale sheegay in Degmada Garbahaareey ay u diyaarsan tahay qabashada 16 kursi ee Golaha Shacabka ah.

Ugu dambeyn Macalimow ayaa si cad u sheegay in dhawaan Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland oo uu ugu horreeyay Madaxweyne Axmed Madoobe ay tegi doonaan Gobolka Gedo ayna jiri karin cid isku dagi karta inay ka hor istaagto.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post