1095 Views

Sawirro:-Wafdi Ka Socda Dowladda Somalia Shir Uga Qeyb Galaya Dalka Angola

Sawirro:-Wafdi Ka Socda Dowladda Somalia Shir Uga Qeyb Galaya Dalka Angola
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11,, 2019  –Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Luanda ee Caasimadda dalka Angola waxaa ay kaga qeyb galayaan Shirkii 5-aad Golaha Sare ee Garsoorka Afrika oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka noqotay.

Shirkan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya oo ku matalaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Bashe Yusuf Ahmed iyo xubno kale oo ka socda.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Angola H.E Joã Manuel Gonçalves Lourenceç ayaa si Rasmi ah u daah-furay Shirkii 5-aad Golaha Sare ee Garsoorka Afrika,isla markaana waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah.

Qodobada Shirkaas looga hadlayo ayaa waxa kamid ah dhawrista Datuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee aadamaha iyo kaalinta Garsoorka iyo arrimo kale.

 

Inta uu Magaalada Luanda ee Caasimadda dalka Angola ku sugan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Bashe Yusuf Ahmed waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Sare ee ka qeyb galeysa Shirka,isagoona kala hadli doono arrimo ku aadan Garsoorka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment