780 Views

Madaxweyne Idriss Deby oo xukunka Chad hayay 31 sano oo mar kale doonaya in la doorto.

Madaxweyne  Idriss Deby oo xukunka  Chad  hayay  31 sano oo mar kale doonaya in la doorto.
____________________________________________________________________________

April 8-4-2021

Dadka wadanka Chad ayaa maalinta Axadda ah ee soo socota u dareeri doona goobaha codbixinta doorashada madaxweynaha, halkaas oo madaxweynene Idriss Deby oo xukunka dalkaas hayay 31 sano uu raadinayo in mar kale lix sano la doorto.

Tilmaamaha doorashadan ayaa muujinaya in Deby uu mar kale ku guuleysan doono, maadaama u cabsi galin iyo xabsi iskugu daray xubnaha mucaaradka ugu waaweyn ee la tartamaya.

Bishii hore waxaa tartanka doorashada madaxweynaha ka baxay Saleh Kebzabo oo ahaa musharraxii ugu cad-cadaa mucaaradka, kaddib markii ciidanka ammaanka ay dileen laba qof xilli ay wadeen howlgal ay ku xirayeen Yaya Dillo oo isna ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Clement Abaifouta oo ah guddoomiyaha ururka la magac baxay ‘dhibbaneyaasha dambiyadii madaxweynihii hore ee Hissene Habre” ayaa wariyaha VOA James Butty u sheegay in dadka reer Chad ay maalin kasta sameeyaan dibadabaxyo, kuwaas oo ay ku dalbanayaan in hannaanka doorashada wax laga badalo, iyadoo dadka qaar ay xitaa diideen inay qaataan kaararka codbixinta.

Idriss Deby oo ah 68-jir ayaa inqilaab xukunka dalkaas ugala wareegay madaxweynihii ka horreeyay Hissene Habre bishii December ee 1990, wuxuuna dhow jeer ka bad-baaday afgami ay qorsheeyeen jabhado iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dalkaas.

.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post