1134 Views

Shirarka siyaasadeed oo laga mamnuucay magaalada Dhuusamareeb

Shirarka siyaasadeed oo laga mamnuucay magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 27- 2019 –Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in laamaha amniga ee dowladda Federaalka iyo maamulka magaalada ay soo saareen amar lagu mamnuucayo shirarka siyaasadeed.

 

 

 

Amarkan ayaa lagu sheegay in aan magaalada lagu qaban karin shir aysan ogeyn dowladda Federaalka, iyadoo warqado digniin ah loo geeyay Milkiilayaasha Hotelada magaalada Dhuusamareeb.

 

Sidoo kale ciidamada amniga ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cidii shirar aanay fasax u heysan ku qabato magaalada.

 

Amarkan ayaa ah mid ku socda Ahlusuna Wal-jameeca oo maalmihii la soo dhaafay shirar siyaasadeed ku lahaa magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ujeedka yahay in lagu hakiyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay kaga soo horjeedaan dhismaha Maamulka Galmudug ee ay wado dowladda Federaalka.

 

Dhinaca kale Ciidamada dowladda Federaalka ay geysan magaalada Dhuusamareeb ayaa joojiyay howlo ka socday Mowlac ay ku sugnaayeen Culumi taageersan Ahlusuna.

 

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, tan iyo markii Guddiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha u magacawday Maamul u sameynta Galmudug ay soo saareen jadwalka doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment