4332 Views

Afduub Ka Dhacay Galgaduud

Afduub Ka Dhacay Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  16, 2017 –Gudoomiyaha degaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud Cali Saciid Axmed Cabdulle oo la hadlayQ.O L a ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Maleeshiyaad hubeysan ay Afuubteen labo haween ah oo kunoolaa Miyiga degaanka Galinsoor.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in arintaasi ay salka ku hayso aanooyin qabiil,islamarkaana haweenkaasi lala aaday degaanka Kaxan dhaale.

Cali Saciid ayaa sidoo kale tilmaamay in haweenka la Afduubtay ay ahaayeen dad Shacab ah oo iska xoolo dhaqato ah.

Maamulka Galmudug iyo dowladda Dhexe ayuu sheegay in uu arintaasi ku wargeliyay ,islamarkaana uu ka codsaday in si deg deg ah wax looga qabto.

Degaanka Galinsoor oo ku yaalla xadka Mudug iyo Galgaduud ayaa maalmihii lasoo dhaafay dadka kunool waxa ay cabasho xooggan ka muujinaayeen dhibaato ay ku hayaan Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Waxaana hadda inta badan joogga degaanka kaxandhaale Ciidamada Liyuu Boolis.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment