783 Views

Dadka uu soo ritay Corona Virus oo gaartay 1.1 million iyo Wararkii ugu dambeeyay

Dadka uu soo ritay Corona Virus oo gaartay 1.1 million iyo Wararkii ugu dambeeyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 4, 2020 –Labada hayadood ee maaliyadeed ee dunida ugu horeeya ayaa ka digaya carqaladeyn dhaqaale oo daran iyada oo cudurka faafa ee coronavirus uu kusii fidayo adduunka.

 

Qaaraddaha Yurub iyo Mareykanka dadka uu soo ridanaayo Corona Virus ayaa sare u kacday bilihii lasoo dhaafay.

 

Tirada dhimashada ee Yurub ayaa gaartay ilaa 40,000, halka Maraykanka gudaheeda tirada dhimashadu ay gaartay in kabadan 7,000, taas oo tirada dhimashada adduunka oo dhan ka dhigaysa in ka badan 58,000, sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins.

 

Tirada kiisaska ayaa sidoo kale sii kordheysa, iyadoo Mareykanka uu soo sheegay in ka badan 275,000 infekshin, halka Talyaaniga, Spain iyo Jarmalka ay isku darsadeen in ka badan 300,000 oo kiis.

 

Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 1.1 milyan, iyadoo tirada soo-kabashada ay ku dhowdahay 226,000.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment