789 Views

Madaxii Suxufiiyinta Gobolka Gazni oo lagu dilay Afgaanistaan

Madaxii Suxufiiyinta Gobolka Gazni oo lagu dilay Afgaanistaan
____________________________________________________________________________

Booliska dalka Afgaanistan ayaa sheegay in Madaxii Suxufiiyinta Gobolka Gazni la qaarijiyay, waxaana rasaas uu kala kulmay koox hubaysan aan heebtooda la garan.

Sarkaal u hadlay Booliska Afgaanistan ayaa sheegay in Raxmatulaah Nikzad markii la tooganayay uu ku sugnaa irida hore ee Gurigiisa.

Booliska ayaa sheegay in baaritaano ay wadaan , islamarkaana ay maxkamad horkeeni doonaan kooxihii ka dambeeyay dilka.

Waa weriyihii Shanaad oo mudo 2 bil gudaheed lagu dilo gudaha wadanka Afgaanistaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post