1200 Views

Wax ka baro Magaalada Malindi, oo ah magaalo xeebeed Dalxiiska ee ku teedsan Badweynta Hindiya

Wax ka baro Magaalada Malindi, oo ah magaalo xeebeed Dalxiiska ee ku teedsan Badweynta Hindiya
____________________________________________________________________________

6da Maarso, 2021:

Waraaqdeenna taxanaha ah ee ay noo soo direen weriyeyaasha Afrika, Ismaaciil Cinaashe wuxuu ku nasanayaa xeebta quruxda badan ee Kenya, laakiin wuxuu isweydiinayaa inuu u safray dal kale.

Malindi, oo ah magaalo xeebeed ku teedsan Badweynta Hindiya oo aasaasay qarnigii 13aad, ayaa 120km (qiyaastii 75 mayl) waqooyi-bari ka xigta magaalada Mombasa waxaana loo yaqaanaa “Talyaaniga yar” tan iyo dhammaadkii 1960-yadii.

Magaalo dalxiiseedkan ayaa waxa ku badan makhaayadaha Talyaaniga, pizzerias, delis iyo dukaamada jalaatada – boorar lagu xayeysiinayo luuqadda Talyaaniga.

Dadka badankood waxay ku hadlaan af Talyaani – laga soo bilaabo ilaaliyaha guriga ee reer Kenya ee aan degenaa iyo darawalada mooto bajaajta igu wareejiya, ilaa waardiyeyaasha iyo kaluumeysatada joogta aagga xeebta.

Markaad ku dhex wareegto jidadka quruxda badan ee Sawaaxiliga ee qaddiimiga ah, waxaad hareerahaada ka maqleysaa dhawaqa muustikada ay caanka ku tahay oo ay weheliyaan aragtida tobannaan Talyaani ah oo ay maqaarkoodii caddaa ay qoraxda baddashay.

Dukaan weyn oo ku yaal bartamaha Malindi waxaa maamula Talyaani waxaana ka buuxa gab laga oo dhoofiyay Talyaaniga sida khamri, baastada iyo dhalooyinka saytuunka

Siyaasadda isirka

Markii aan u dhaqaaqay dhanka xeebta, waxaa iga hor yimid qof waayeel oo Talyaani ah oo ku sugnaa maqaayada xeebta ee Osteria.

Laba haween ah oo xidhan dharka dabaasha oo dhalaalaya iyo muraayadaha indhaha oo dhaadheer ayaa isoo dul maray, iyaga oo ku qaylinaya “Ciao, Cali, Ciao, Cali” ka dibna mid ka mid ah shaqaalaha ayaa ku ordayso waxa uuna ku yiri “Buongiorno signora,” markii uu u samaynayay sariirahooda xeebta.

Dhinacooda waxaa ku sugnaa lammaane reer Talyaani ah oo uu maqaarkooda isku baddalay maarriin cadaan xigeen ah.

Markasta waxaan xaqiijinayay in aan ku suganahay Malindi ee aanan joogin Palermo ama Naples.

Waxaan dareemayay sida anigoo booqday mid ka mid ah xeebaha Talyaaniga, farqiga keliya ee u dhaxeeya ayaa ah huurka, geedo timireedka iyo udgoonkii macaanaa ee Badweynta Hindiya.

Markii aan isku dayay inaan in yar ku gam’o mid ka mid ah sariiraha xeebta ee hoos taallay geed timir ah, ayaa waxaa durbadiiba ii yimid mid ka mid ah adeegayaasha maqaayadda, isagoo sheegay in sariirta ay markasta u xirantahay lammaane Talyaani ah.

Mid ka mid ah maqaayadaha magaalada oo aan tagay ayaa waxaa dhacday inaan dhowr goor gacanta taago si laygu adeego, halka caadiyan dalxiiseyaasha aan Afrikaan-ka ahayn si gaar ah loo tixgeliyo.

Xarunta hawada sare laga maamulo iyo dalxiiska

Taariikhda reer Talyaani ee Malindi waxay dib ugu laabanaysaa furitaankii xaruntii Talyaanigu maamuli jiray ee Broglio Space Center oo laga dhisay xeebta Kenya.

Talyaanigii ugu horreeyay ee soo gaara magaalada, waxay ahaayeen injineero iyo saynisyahanno, oo aad u jeclaa waxa ay heleen.

Markay ahayd 1970-kii, bulshada waxay bilaabeen inay qaabeeyaan, in badan oo ka mid ah waxay degeen Malindi waxayna raadsanayeen fursado dhanka dalxiiska ah.

Waxay furteen hudheello, makhaayado, waxay dhisteen guryo xeebeed, waxayna u noqdeen magaalada kuwa dhaqaale ahaan muhiim u ah.

Magaaladu waxay sare u kacday 1980-kii iyo 1990-kii markii dalxiisku aad u kordhay qiyaastuna waxay sheegaysaa in 4,000 oo Talyaani ah ay ku noolaayeen magaalada iyadoo sannadkiiba ay booqnayeen ilaa 30,000 oo qof.

Laakiin dhinaca kale Malindi ayaa sidoo kale ay ka jireen eedeymo ah ka ganacsiga da’ yarta loo isticmaalo galmada uu aad u baahsan yahay, sidoo kale ka ganacsiga daroogada iyo xitaa xanta joogitaanka maafiyada Talyaaniga.

Kadib weerarradii argagixiso ee xagjiriinta Soomaaliya ayaa ka bilaabmay Kenya – iyo afduubkii ajaanibta dalxiiska ah. Waxaa sidoo kale saameyn ku yeeshay burcad badeedkii xeebaha Soomaaliya ka dillaacaday sannadkii 2011-kii oo waxay horseedday in dad reer Talyaani ah ay iska iibiyaan meheradahooda sidoo kalena ay yaraadaan dalxiiseyaashii soo booqan jiray.

Maanta Malindi waxay dareemaysaa sidii magaalo soo aragtay maalmo wanaagsan oo dadka deegaanka ay halgan ugu jiraan sidii ay nolol u raadsan lahaayeen, taasoo ay uga sii dartay dhibaatada Covid-19, laakiin wali waa meel farxad leh oo lagu nasto laguna raaxaysto.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post