924 Views

Xuska Maalinta Naafada Adduunka oo ku beegan 3-da Dicember oo ku lagu qabtay Muqdisho

Xuska Maalinta Naafada Adduunka oo ku beegan 3-da Dicember oo ku lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: December 4, 2021

Xuska Maalinta Naafada Adduunka oo Ku beegan  3-da Dicember oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Naafada Qaranka oo Maanta Muqdisho lagu qabtay.

Munaasabaddan oo lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Naafadda adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee naafada,  mas’uulyiin ka socotay hay’addaha kala duwan Madaxda Hay’adda Naafada Qaranka, Wasiirka iyo howl-wadeennada Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Xafiiska Naafadda Gobalka Banaadir, Wasiirka Wasaaradaha Cadaaladda, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Maxamed Cabdul Jaamac oo ugu horreyn hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay sida ay dadaal loogu bixinayo horumarinta baahiyaha gaarka ah ee Naafada iyo waxyaabaha la higsanayo.
.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Arrimaha Diinta Cumar Cali Rooble iyo Wasiirka Cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa bogaadiyay howlaha socda,iyagoona sheegay in loo baahan yahay garab istaagga dadka baahiyaha gaarka qaba.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ugu dambeyn soo xirtay munaasabadda Xuska Maalinta Naafada ayaa ka sheekeysay waxtarka dadka naafada waxaayna  ballanqaaday in ay ka shaqeyn doonto in ay helaan waxbarasho, Caafimaad iyo shaqooyin ku haboon.

Xuska maalinta naafada 3-da dicember ayaa laga xusaa dalalka adduunka waxaana lagu soo bandhigaa waxqabadka iyo waxtarka ay mudan yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post