897 Views

Guddi ay dirtey Dowladda oo howl ka bilaabey Beledweyne

Guddi ay dirtey Dowladda oo howl ka bilaabey Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Magaalada Beledweyne u dirtay Injineero qiimeyn ku sameeya goobaha uu fatahaada ka sameeyo Wabiga Shabeelle.

 

Wasaaradda ayaa ku hawlan sidii ay xal kama danbeys ah uga gaari lahayd xaaladda fatahaadda ku soo noq noqday Wabiga Shabeelle, gaar ahaan Magaalada Beledweyne.

 

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay bilaabeen u Kuur gelida sababaha fatahaadaha soo cel celiya iyo goobaha ugu daran ee uu Wabiga ka fataho,iyada oo warbixin dhameestiran ay ka keeni doonaan.

 

Xubnaha Gudiga ay dirtey Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada Beledweyne,Maamulka Gobolka Hiiraan, kan Beledweyne, iyaga oo talooyin ka qaatey.

 

Wabiga Shabeelle ee Maraha Gobolka Hiiraan iyo labada Shabeelle ayaa inta badan waxaa uu fatahaada ugu daran ka geystaa Magaalada Beledweyne,iyada oo sanadkii labaad dadkii ugu badnaa ay ka barakaceen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment