492 Views

Beesha Caalamka oo Guddiyada doorashooyinka kala hadashay cabashada ka timid doorashooyinka

Beesha Caalamka oo Guddiyada doorashooyinka kala hadashay cabashada ka timid doorashooyinka
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 15, 2021

Waxaa Magaalada Muqdisbo kulan ku geeshay Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal, Guddiga Hirgalinta doorashada heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada iyo deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha doorashada ee la qabtay ilaa iyo hadda, waxaana hoosta laga xarriiqay in loo baahanyahay xaqiijinta hannaan doorasho oo si weyn la isugu halayn karo lana aqbali karo oo horay u socda.

Guddiyada kala duwan ee doorashooyinka ayaa warbixin la xiriirta doorashooyinka waxaa ay siiyeen Wakiilada Beesha Caalanka, iyaga oo u sheegay in doorashooyinka ay si wanaagsan dalka uga socdaan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo hadal qaaday cabashooyinka ka imaanaya doorashooyinka, waxaana guddiyada kala duwan ay ku booriyeen inay qabtaan doorashooyin si siman looga wada qeyb qaato oo la isla ogol yahay.

Dalalka Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa culeysyo kala duwan saaraya Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya iyo Gudiyada doorashooyinka si loo dhameeyo mad madowga kajira doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post