4248 Views

Labo wiiil oo walaalo Soomaali-British ahaa oo lagu dilay Suuriya

Labo wiiil oo walaalo Soomaali-British ahaa oo lagu dilay Suuriya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 5, 2016: Labo wiil oo walaalo ahaa ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay gudaha Suuriya, iyagoo ka bar bar dagaalamayay Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS.

Labada wiil oo Soomaali British ahaa ayaa ku biiray Kooxda IS bishii November ee sanadkii 2014.

Khaliif Shariif oo 21 jir ahaa iyo Abdulrahman Shariif oo 18 jir ahaa ayaa ka tagay magaalada Manchester oo ay degenaayeen, iyagoo u socdaalay sanadkii 2014 dalka ay dagaalada la dageen ee Suuriya.

Waalidiinta labada wiil ee walaalaha ah Abdullahi oo 50 jir ah iyo Fatuma oo 48 jir ah ayaa labadana lagu wargeliyay geerida wiilashooda, markii ay la soo xiriireen koox ka tirsan IS

Mohamed Shafiq oo ah Madaxa Urur Islaami fadhigiisa yahay Manchester ayaa sheegay in kooxda IS ay xaqiijisay Abdulrahman in la dilay, balse waxaa wali la’yahay meydka walaalkiis ka weyn Khaliif.

Soomaali fara badan oo heystay dhalashada Britain ayaa ku biiray Kooxda IS, iyadoo magaalada Manchester lagu tilmaamay meelaha ka baxeen dhalinyarada ugu badan ee ku biirtay IS oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.

labo-walal-2

 

Source: http://www.jowhar.com/

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment