525 Views

Muddo xileedka Madaxweynaha Jubbaland oo sannad lagu kordhiyay

Muddo xileedka Madaxweynaha Jubbaland oo sannad lagu kordhiyay
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 21, 2022

Golaha wakiilada maamulka Jubbaland ayaa maanta kulan ay yeesheen waxa ay muddo xilleedka madaxweynaha oo ahaa afar sanno ku badelay shan sano iyaga oo sidoo kale wax ka badelay dastuurka Jubbaland, sida ay baahisay warbaahinta maamulkaas.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib ansixiyey in la badalo muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada kulanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post