918 Views

Gaari lagu rasaaseeyay Shabeellaha Dhexe & Khasaaro ka dhashay

Gaari lagu rasaaseeyay Shabeellaha Dhexe & Khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 10  2020–Gaarigaan oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusii jeeday deegaano ka tirsan gobolka Mudug,waxaana la sheegay in rag hubeysan ay ku rasaaseeyeen degaan hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gaariga oo ah nooca loo yaqaano Leyla Calaawi uu siday dad rakaab ah, balse xilli uu marayay tuulada Bashaqle oo hoostagata degmada Cadale uu ku dhacay rag ay isbaaro u taallay degaankaas,waxaana muran ka dhashay ragga hubeysan oo lacag doonayay ay sababtay in gaariga la rasaaseeyo.

Inta la xaqiijiyey rasaastaas ay kooxaha hubeysan fureen ayaa waxaa ku geeriyooday wadihii gaariga oo kusoo jeediyay Magaalada Gaalkacyo,kaas oo lagu Magacaabi jiray Farxaan Xersi Baseey.

Raggii hubeysnaa ee gaariga rasaaseeyay ayaa goobta isaga baxsaday,iyada oo meydka Ninka ku dhintay rasaasta loo qaaday degaanka Godinlabe oo la sheegay in uu degaan ahaan kasoo jeedo.

Mararka qaar ayaa Gaadiidka ku safra deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay la kulmaan kooxo burcad ah oo u geysta falal isugu jira dhac iyo in la rasaaseeyo taas oo keenta waxyeelo soo gaara rakaabka.

Maamulka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin falkaan,waxaana horay u jirtay in deegaano kale oo hoostaga degmadaasi ay ka dhaceen in dhac loo geysto dadka Shacabka ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post