1173 Views

Arsenal, Liverpool, Manchester United iyo Tottenham oo iskaga baxay tartankii dhawaan lagu dhawaaqay ee Super League

Arsenal, Liverpool, Manchester United iyo Tottenham  oo iskaga baxay tartankii dhawaan lagu dhawaaqay ee Super League
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Dhammaan lixdii naadi ee ka socotay horyaalka Ingiriiska ee Premier Leaguege-ga ee qeybta ka ahaa tartankii dhawaan lagu dhawaaqay ee Super League ay sheegeen in ay gabi ahaanba ka baxeen tartankaasi.

Manchester City ayaa markii ugu horeeysay ku dhawaaqday inay ka baxday tartanka Super League ka dib markii ay Chelsea sheegtay inay diyaarinayso dukumiintigii ay uga bixi lahayd tartanka.

Afarta koox ee kale-Arsenal, Liverpool, Manchester United iyo Tottenham ayaa dhammaan iyagana raacay raadkii Chelsea iyo City.

Maamulka Super League ayaa sheegay inay dib u habeen ku sameyn doonaan mashruuca. Tartankan oo la sheegay inay ka qeyb galayaan 12 kooxood ayaa lagu dhawaaqay Axaddii taasi oo horseedday inay gaashaanka u daruuraan dowlado iyo taageerayaal badan.

Dowladda UK ayaa sheegtay in ay qaadi doonto tallaaba kasta oo looga hortagayo horyaalka “gooni u goosadka ah” ee European Super League.

Xoghayaha dhaqanka Ingiriiska, Oliver Dowden, ayaa sheegay inuu ku biiray dadka aadka uga caraysan qorshaha European Super League.

Horyaalkan cusub ayaa la sheegay inuu yeelan doona 20 kooxood, waxaana sanad kasta ku soo biiri doono 5 kooxood oo bedalaya kuwa ka haray. Waxa uu dhici doonaa bartamaha todobaadka oo hadda la ciyaaro Champions League-ga.

Taageerayaasha iyo dadka ka faalooda ciyaaraha ayaa sheegay in horyaalka cusub uu noqon doono mid caddaalad darro ah oo meesha ka saaraya kooxo badan.

Madaxweynaha Uefa Aleksander Ceferin ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen kooxahaan. “Waxay dib ugu laabteen baqshadda.”

“Muhiimadda hadda waa inaan horay u sii soconaa, dib u dhisnaa midnimadeenii cayaarta.”

Lixda kooxood ee ugu waaweyn Ingiriiska ayaa waxa tartankan ku wehliyay naadiyada Atletico Madrid, Barcelona iyo Real Madrid oo ka socday Spain, dhanka Talyaaniga waxaa ka socday AC Milan, Inter Milan iyo Juventus.

Ilaa 1,000 taageerasha Chelsea ah ayaa isugu soo uruuray bannaanka garoonka Stamford Bridge ka hor kulankoodii ay la lahaayeen Brighton Talaadadii. Taageerayaasha ayaa isu soo baxaas ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan ka qeyb galka kooxdoda ee European Super League.

12-ka kooxood ee ku heshiiyay qorshaha European Super League ayaa sheegay in cudurka safmarka ah uu “xoojiyay xasillooni la’aanta dhaqaale ee haysata kooxaha Yurub”.

Ra’iisal wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka hortegi doonto qorshaha iyo in uusan ku hirgelin nooca hadda loo soo bandhigay.

Xafiiska Downing Street ayaa sheegay in xukuumadda ay ka fekerayso qorshayaal kala duwan oo uu kamid yahay hannaanka ka jira Jarmalka ee ah in taageerayaasha ay noqdaan milkiilayaasha kooxaha iyo in meesha laga saaro lacagaha deymaha ah ee lagu taageero naadiyada xilligan uu jiro Fayraska Korona.

Koxihii kale ee ka socday Spain iyo Talyaaniga ayaanan ilaa haatan soo saarin wax warbixin oo ku aaddan mowqifkooda European Super League ka dib markii ay lixdaan naadi ay ka baxeen tartanka.

Maxay koox kasta sheegtay?

Guudiga Arsenal ayaa sheegay inaysan ugu talagelin inay horseedaan “khalkhal iyo murugu” waxay sheegeen in sababta ay ugu biireen European Super League ay ahayd inaysan doonayn in kooxaha kale aysan ka harin.

Manchester United ayaa sheegtay inay “wali ka go’an tahay inay la shaqeyso dadka kale guud ahaan bulshada kubbaada cagta si ay ula yimaadaan xal waara oo looga hortago caqabadaha mustaqbalka fog ee ciyaarta wajahaya”.

Liverpool ayaa sheegtay in kooxda ay “heshay fariimo ka kala yimid daneeyayaasha muhiimka ah ee kala duwan, gudaha iyo dibaddaba” ka hor inta aysan gaarin go’aankooda, waxayna uga mahadcelisay “fikradohooda qaali ah”.

Levy ayaa sheegay in Tottenham ay dareentay inay “muhiim tahay” ka qeyb qaadashada “qaab dhismeedka cusub ee suuragalka ah ee lagu raadinaya hubinta maaliyadeed iyo joogtaynta dhaqaalaha.”

Wuxuu intaasi raaciyay: “Waa inaan u mahadnaqnaa dhammaan taageerayaasha soo bandhigay fikradahooda .”

Chelsea ayaa sheegtay in ka dib markii ay heleen “waqti ay si buuxda uga fiirsadaan arinta” ay go’aansadeen in “ka sii qeyb ahaanshahooda qorshayaashan aysan dan u aheyn kooxda, taageerayaasha ama bulsho weynta kubada cagtaba”.

Manchester City ayaa sheegtay inay “si rasmi ah u dhaqan galisay hanaankii looga bixi lahaa horyaalka Yurub ee Super League”

BBC

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post