522 Views

Ruushka oo xannibay xagjiriinta isticmaala Facebook iyo Instagram

Ruushka oo xannibay xagjiriinta isticmaala Facebook iyo Instagram
____________________________________________________________________________


Isniin: March 21, 2022

Maxkamad ku taalla Moscow ayaa xukmisay in dhaqdhaqaaqayasha isticmaala baraha Instagram iyo Facebook ay xagjiriin yihiin, iyadoo howlgalladooda laga xannibay gudaha Ruushka, sida ay wararku sheegayaan.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Ruushka ayaa sheegay in waxyaabo xagjirnimo ah lagu daabacay baraha bulshada, isaga oo tixraacaya baaqyada lagu eedeeyay ee ah rabshadaha ka dhanka ah muwaadiniinta Ruushka, oo ay ku jiraan ciidamada militariga ee jooga Ukraine.

Horraantii bishan, dacwad oogayaasha ayaa ku baaqay in baaritaan dambi lagu sameeyo barta Meta, iyaga oo soo xiganaya dacaayadaha Ruushka iyo sharciyada xagjirnimada.

Isticmaalka Facebook iyo Instagram ayaa horeyba looga xaddiday waddanka, iyadoo Moscow ay ku tilmaantay in lagu faafiyo “warar been abuur ah” oo ku saabsan duullaankeeda Ukraine.

Meta ayaa sheegtay inay u oggolaan doonto isticmaaleyaasha waddamada qaarkood inay ku baaqaan rabshado ka dhan ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo askarta Ruushka.

Garsooraha ayaa sheegay in xukunka maxkamadda uusan quseyn adeegga fariimaha ee WhatsApp, oo sidoo kale ay leedahay shirkadda Meta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post