567 Views

Ugu yaraan 22 qof oo ku dhimatay qarax weyn oo ka dhacay magaalada Havana

Ugu yaraan 22 qof oo ku dhimatay qarax weyn oo ka dhacay magaalada Havana
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay 60 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii qarax weyn uu ka dhacay mid ka mid ah hoteellada ugu waaweyn Cuba.

Waxaa la rumeysan yahay in qaraxa uu ka dhashay booyad gaas oo taagneyd bannaanka hore ee Hotelka Saratoga, taas oo burburiay dhowr dabaq oo dhismaha ah.

Waxaa hadda socda dadaallo lagu baadi goobayo dadka ku hoos jira burburka.

Madaxtooyada Cuba ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan haweeney uur leh iyo ilmo yar. Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa isbitaalada ku dhow dhow aagga hoteelka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post