549 Views

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya XFS oo kormeeray Terminal-ka Movcon

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya XFS oo kormeeray Terminal-ka Movcon
____________________________________________________________________________


Isniin: December 27, 2021

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka JFS,Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Terminal-ka Mevcon oo ay isticmaali jireen UN-ka AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka, iyadoona amar kasoo baxay dawladda Soomaaliya lagu xiray.

Kormeerka kadib hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda JFS ayaa soo bandhigtay warbixin ku aadan siyaabaha khaldan ee loo isticmaalay Terminal-ka. iyadoona wasiirka gaadiidka iyo duulista hawadda uu sheegay in go’aanka dawladda uu dhaqan galay.

‘’Waxaa loo xiray teminalka Movcon waa in lala socdo waxa dalka soo galaya iyo waxa ka baxaya taas oo qayb ka ah Amniga’’Ayuu yiri wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Durran Axmed Faarax.

UN-ka ayaa soo dhaweeyay tallabada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,iyagoona sheegay inay u hoggaansamayaan amarka dawladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post