966 Views

Cabsi laga qabo in Al-Shabaab weeraraan Meelo ka mid ah Kenya markale

Cabsi laga qabo in Al-Shabaab weeraraan Meelo ka mid ah Kenya markale
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 11, 2020—Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada ammaanka Waqooyi Bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.

 

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay degaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi.

 

 

 

Gudoomiyaha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ku dhawaaqay in heegan buuxa la geliyay Ciidamada kala duwan.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay doonaayaan in ay weeraraan gobolka.

 

“Ciidamo badan ayaan geynay degaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”. Ayuu yiri Gudoomiyaha.

 

Dhanka kale booliska Kenya ayaa soo saaray digniin ku aadan weeraro ka yimaada Al-Shabaab oo ka dhaca Magaalo Xeebeedka Mombaza ee dalka Kenya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment