3987 Views

Mareykanka oo soo saaray war ku saabsan Somalia

Mareykanka oo soo saaray war ku saabsan Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho,13 March 2016: Stephen Schwartz oo ah Safiirka dowlada Mareykanka ee dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo isbedelka dhanka siyaasada, amaanka iyo dhaqaalaha ee ka jira Soomaaliya.

Safiirka wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uusan kamid aheyn dalalka loo magac daro dalalka guul dareystay ee ka jira caalamka balse ay jiraan caqabado wali dalka heysta, wallow uu ku jiro marxalad soo kabsasho ah.

Wuxuu sheegay in dadka qurbo Soomaaliyeed ay kusoo laabanayaan dalka Soomaaliya, iyaga oo ka qeyb qaadanaya dib u dhiska dalka, qaranka iyo wanaajinka xiriirka Soomaaliya iyo dalalka kale ee caalamka.

Seddex arimood ayuu sheegay in safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ay xooga saari doonto, waxaana ugu horeeya arimaha amaanka, dhismaha hayadaha dowlada iyo taageerada dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca amaanka ayuu sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in Alshabaab laga saaro guud ahaan dalka Soomaaliya ayna taageeri doonaan howlgalka ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya ay si wadajir ah u wadaan.

Wuxuu sheegay in arimaha amaanka uu keenayo in la sii hormariyo dhismaha qaranka Soomaaliya, si loo gaaro hadafka sanadka 2016, loona baahan yahay inla qabto shaqo badan oo ay kamid tahay dib u habeynta dastuurka, dhameystirka maamulada federaalka hoos imaanaya iyo in la sameeyo xisbiyo siyaasadeed.

Arimaha dhaqaalaha ayuu sheegay iney labo jibaari doonaan taageerada Mareykanka uu siiyo dowlada Soomaaliya, ayna ka shaqeyn doonaan dib usoo celinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya si wadanka uu hormar uu gaaro.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment