933 Views

Wasaarahii hore ee dalka kenya Raila odinga oo ka badbaaday isku day dil

Wasaarahii hore ee dalka kenya Raila odinga oo ka badbaaday isku day dil
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka kenya Raila odinga uu ka bad baaday isku day dil, kadib diyaarad  uu saarnaa oo la weeraray.

Sidoo kale, Laamaha amniga dalka kenya ayaa xabsiga dhigay ilaa17 qof oo lala xiriirinayo ku lug lahaanshiyaha weerar jimcahii lagu qaaday diyaarad uu saarnaa Rila odinga.

Waxaa la sheegay in kooxdii weerarkan fulisay ay dhagxaan ku tuureen Diyaarada oo nooca qumaatiga u kaca ah  ee loo yaqaano helicopter. Iyadoo dhacdadan ay ka dhacday deegaanka Soy ee ismaamulka Uasin Gishu ee dalka Kenya

Dhinaca kale, Wasiirka amniga dalka Kenya oo ka hadlay dhacdadaan ayaa ku hanjabay in dhamaan dadkii falkaan soo abaabulay aan laga hari doonin ilaa cadaaladda la horgeeyo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post