1971 Views

Mas’uul loo xiray musuq maasuq lacageed

Mas’uul loo xiray musuq maasuq lacageed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 26, 2018 –  Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka , ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo loo haysto eedeymo la xiriira musuq maasuq.

Warar aan ka helnay hoggaanka dambi baarista (CID) ayaa xaqiijiyay in Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha,lagu soo eedeeyay “Xatooyo Xoolo dadweyne”.

Waxaa loo haystaa in uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu cel celisay in ay ka go’an tahay in ay tallaabooyin dhab ah u qaaddo la dagaallanka musuq maasuqa, si aan loogu tagri falin hantida dadweynaha.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment