2178 Views

Wasiirka Dastuurka iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Eedeeyey

Wasiirka Dastuurka iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Eedeeyey
____________________________________________________________________________

 Muqdisho | QOL | December 24, 2017—Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Maxamuud Faroole oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Garowe waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah .

Mudane. Farooole ayaa ugu horeyn baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalama degaanno hostaga Cagaarre ,wuxuuna codsaday in dhammaan la isu tago si loo joojiyo colaaddaas

Cabdiraxmana Faroole ayaa shirkiisa jaraa’id kaga hadlay faragelin uu sheegay in ay wadaan gudoomiyaha golaha shacabka iyo wasiirka Dastuurka isagoo ku  tilmaamay in ay la wareegeen awoodihii hay’adaha dastuuriga.

Guddoonka golaha shacabka waxaa ugu baaqayaa fara gelinta haka daayo maamul goboleedyada baarlamaanadooda oo hadba meel ku casuumayo oo faraha ha kala baxo ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Faroole.

Haddii aqalka sare uu dhismay golaha shacabka waxa uu ahaanayaa hal aqal ayuu hadalkiis ku daray Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale Dr.Faroole waxaa uu sheegay in dib u eegistii dastuurka ay soo dhammaatay, isla markaana qodobada qaar ee dastuurka ku jirana ay ahaayeen kuwo la laalay, maadaama aqalka sare iyo dowlad goboleedyada ay sameysmeen, howsha dastuurka ay u xil saaran tahay guddiga madaxa bannaan oo ah cidda qoreysa.

…Caqabadaha socda waxaa ka mid ah in lala dirirayo nidaamka federaalka, waxaa kow ka ah hoggaanka golaha shacabka iyo cida keentay ee magacawday wasiir aan ku habooneyn wasaaradda Dastuurka oo awalba loo heystay dastuurkii KMG shirweynihii dastuurka ee lagu ansixiyay Muqdisho  sanadkii 2012 faraha gelisay oo buuggii wax ka bedeshay, maalmahan shirarka waday, cida la hadashana aysan jirin ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Xigasho Horseedmedia

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment