3162 Views

Howl gal dad badan lagu qab qabtay oo ka socda Waqooyiga Gaalkacyo

Howl gal dad badan lagu qab qabtay oo ka socda Waqooyiga Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 2, 2016 Weerarkii ismiidaaminta ee khamiistii dhacay ka dib, ayaa Ciidamada ammaanka Puntland howl galo dad badan lagu qab qabtay saaka ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ayaga oo daba taagan cidii ka dambeeysay qaraxi Khamisti doweed.

Saraakiisha Amniga magaalada ayaa sheegaya inay ku raad-joogaan kooxo looga shakisan yahay inay ku soo dhex dhuunteen xaafadaha Gaalkacyo, kuwaas oo la doonayo in la soo qabto.

Howl galada ayaa saaka saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa guud ee waqooyiga magaalada, waxaana lagu qabtay dad ka badan labaatameeyo ruux oo ay ku jiraan Arday u socotay iskuul iyo kuwa kale oo ku nool Magaalada.

Mas’uuliyiinta Puntland u qaabilsan Gobolka Mudug ayaa sheegay inay ka war heleen gaari waxyaabaha qarxa lagu diyaariyay oo ku jira xaafadaha.

Weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo khamiistii la soo dhaafay ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana weerarkaas lagu dilay illaa sideed ruux uu ku jiray xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyadda Puntland u qaabilsanaa Gobolka Mudug Saciid Gaada-Yare.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay inay heegan geliyeen ciidamadooda, si ay uga hortagaan weeraro kaga yimaada Al-Shabaab, kadib markii Puntland ay ka itaal roonaatay dagaalyahanadii Shabaab ee bartamihii bishii hore doonyo ku gaaray xeebaha Puntland, ayagoo ku fashilmayqasadki ay lahaayeen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment