960 Views

Fariin uu Qoray Dr Culusow oo ku socota Xubnaha Mucaaradka iyo Musharixiinta

Fariin uu Qoray Dr Culusow oo ku socota Xubnaha Mucaaradka iyo Musharixiinta
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Shacabka Soomaaliyeed waxay muddo 4 sano ah ku hoos noolaayeen, una adkeysteen, xadgudubyada, takrifalka, tacadiyada, bahdilka ka baxsan sharciga iyo bani’aadannimada ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo caanka ku noqday.

Dhaqan siyaasadeedka gebidhackeynaya oo aan xikmadda iyo maslaxadda guud ee Soomaaliya ku saleysneyn ee Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu curyaamiyay danihii muhiimka ahaa ee shacabka Soomaaliyeed ee ay ugu horreeyeen dhammeystirka dastuurka kmg, dhammeystirka dhismaha maamulka dowladda federaalka iyo kan dowlad goboleedyada, dhismaha Ciidammada Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboledyada, xoreynta iyo isku xirka dalka, iyo qabashada doorasho hal qof iyo hal cod (HQHC) oo dimoqradi ah.

Waa taariikh xumo inaysan jirin dhaqan siyaasadeed xaaraan ka ah ama aan ka suuragelin Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna caan ku noqday hadal iyo ficil is khilaafsan, ballan fur, indhasarcaad, iyo eex. Waxaa la maraya marxalad kacdoon shabci oo ka soo horjeeda muddo kororsiga sharcidarrada ee barlamaanka federaalka iyo Madaxweyne Farmaajo sheeganayaan iyo ku takrifalka Ciidammada iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed hab ka baxsan dastuurka iyo sharciga.

Mucaaradka oo ah xoogag kala duwan oo leh aragtiyo kala duwan waxaa laga rabaa inay yeeshaan ujeedooyin cad iyo tubta lagu gaarayo oo xaaladda murugsan ee halista ah looga bixi karo.

1. Ujeedada koowaad waxay noqon kartaa in Maxamed Cabdullaahi farmajo iska casilo ama lagu qasbo inuu is casilo si kacdoonka shacabka iyo qalalaasaha siyaasadeed loo damiyo.

2. Ujeedada labaad waa ka wadatashiga dhexmaraya xulka DF, DG, xulka mucaaradka, xulka bulshada ra’yidka oo kaashanaya beesha caalamka si loo tifaftiro habka fulinta heshiiska doorashada dadban ee 17 Setember 2020. Habraaca fulinta doorashada dadban waa inuu xaqiijiyaa kalsoonida shacbiga ku qabanayo natiijada doorashada xag daahfurnaan, tartan xalaal ah, kalsoonida garsoorka khilaafaadka, iyo doorasho dalka oo dhan isku mid ah.

3. Ujeedada saddexaad waa ilaalinta nabadgelyada iyo xorriyada muwaadiniinta soomaaliyeed.

4. Ujeedada afaraad waa xaqiijinta habsami u socodka hawl fulinta Xukuumadda xilgaarsiinta ah.

5. Ujeedada shanaad waxay tahay adkeynta la dagaalanka argagixisada heer kasta. Haddii Farmajo ka soo qaybgalayo wada hadallada ku saabsan habka fulinta heshiiska doorashada dadban waa in la tixgeliyo qodobbada soo socda:

1. In Golaha Shacbiga ee BF baabi’iyo sharci ku sheega muddo kororsiga 2 sano, isla markaana farmajo saxiixo maalin cad oo beesha caalamka goobjoog ka tahay.

2. In farmajo qoro qoraal uu ku caddeynayo in mudda xileedka barlamaanka federaalka dhammaaday 27 Disember 2020 sida waafaqsan qodobka 60 ee dastuurka kmg.

3. In farmajo qoro qoraal uu ku caddeynayo in muddo xileedkiisa dhammaaday 7 febraayo 2021 sida uu dhigayo qodobka 91 ee dastuurka kmg.

4. In farmajo soo saaro amar lagu kala dirayo Xildhibannada Barlamaanka Federaalka sida waafaqsan qodobka 67 ee dastuurka kmg.

5. In Farmaajo qoro qoraal caddeynaya in Xukuumadda RW Roble ay tahay xilgaarsiin sida ku qoran qodobka 103 ee dastuurka kmg. Xukuumadda waxaa ka reeban inay fuliso hawl ka baxsan waajibaadka caadiga ah. Waa hawl maalmeedka dowladda oo sharciga oggol yahay.

6. In farmajo soo saaro qoraal caddeynaya in xilka iyo awoodaha Madaxweynaha ku qoran qodobka 90 ee dastuurka kmg ay dhaqangal yihiin muddo xileedka Madaxweynaha keli ah sida ku qoran qodobka 91 ee dastuurka kmg. Muddada kala guurka ee doorashada qodobkaas dhaqangal ma ahaan.

7. In farmajo qoro qoraal shaqada looga joojinayo taliyayaasha Ciidammada Xoogga dalka, Booliska, Nabadsugidda, iyo Asluubta muddada kala guurka doorashada 2021.

8. In farmajo magaacabo guddi Sare ee soo baara xadgudubyada lagu eedeynayo dowladda federaalka ee dhacay 4 sano ee la soo dhaafay.

9. In farmajo caddeeyo inuusan aheyn musharrax Madaxweyne sababtoo ah heerka dhibaatada dhacday ee uu mas’uulka ka yahay darted lama helayo xasillooni siyaasadeed iyo nabadgelyo haddii uu ku guuleysto.

10. In farmajo qoro qoraal xilka iyo darajabada loogu celinayo Jeneraal Saadaq Cumar Xassan ( Saadaq Joon) oo ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Benadir. Arrintaas waxay xal u tahay daminta kacdoonka shacbiga Gobolka Benadir ka socda iyo dhirrigelinta difaaca dastuurka kmg oo Taliyaha ku dhirraday.

11. In farmajo cudurdaar siiyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo uu ku eedeyay dambi aan raad laheyn ah lagu dhaawacay u hoggaansanaanta hannaanka wada shaqeynta dowlad federaalka iyo dowlad goboleedyada sida ku cad qodobbada 48, 50, 51, 52, 53, iyo Jadwalka koowaad (C), kuwaaso caddeynaya in DF ay si joogta ah, daahfuran, daacadnimo iyo aqoonsi ku jirto ula tashado dowlad goboleedyada ka hor inta aysan tallaabo ka qaadin arrimaha siyaasadda iyo doorashada, nabadgelyada iyo difaaca, dhaqaalaha iyo Maaliyadda, Garsoorka, xiriirka caalamiga ah, iyo maamulka.

12. In Farmaajo cudurdaar siiyo beesha caalamka oo uu ka abaal dhacay kaalinta ay ka soo qaadatay dib u dhiska qaran Soomaaliyeed oo lugihiisa ku istaaga iyo muddada dheer ee uu iska dhega tirayay talooyinkii wax ku oolka ahaa ee sannadihii la soo dhaafay loo soo jeedinayay si looga badbaado xaaladda murugsan ee Soomaaliya maanta ku sugan tahay.

Dhaqanka Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu dhaawacay sumcadda beesha caalamka iyo kalsoonida iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Waxaan rajeynaya in mucaaradka aysan ku jaahwareerin muluqmaaluqda iyo gebidhacleynta Farmajo oo hadba la soo baxaya dhuumashaalow.

Haddii tallaabooyinkaas hirgalan ka hor wada hadalka habka fulinta doorashada dadban ee lagu heshiiyay, xaaladda Soomaaliya waxay yeelaneysa yididiilo cusub iyo rajo horumar iyo nabadgelyo.

W/Q: Dr. Maxamud M Culusow

Office Naiurobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post