1233 Views

Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida oo sheegay in ay fashiliyeen Afgembi

Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida oo sheegay in ay fashiliyeen Afgembi
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay ka hortageen isku day Afgambi kaasi oo la doonayay in xukunka looga tuuro Madaxweyne Mustafe Cagjar.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in “ciidamo ka soo horjeeda nabadda” ay isku dayayaan in ay afgambiyaan dowladdii la doortay.

“Kooxaha nabad diidka ayaa wada qorshe ay ku afgambinayaan dowlad goboleedka. Waxay isku dayeen inay nabadda khalkhal galiyaan oo ay dadka kiciyaan, gobolkana khalkhal galiyaan oo ay xoog ku qabsadaan” ayaa lagu yiri WarSaxaafadeedka.

“Iyadoo ay socdaan dadaallada dowladda deegaanka Soomaalida iyo shacabka ay ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa abaarta, ciidamadani waxay qorsheeyeen inay khalkhal galiyaan gobolka, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dadka Itoobiyaanka ah inay gacan naga siiyaan soo celinta kala dambeynta” ayaa sidoo kale lagu yiri Bayaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post