1146 Views

Ruqiya Cabduqaadir “Soomaaliya waxay u baahan tahay in bog cusub loo furo..” [WARAYSI]

____________________________________________________________________________

Ruqiyo C/qaadir waxay ka mid tahay aqoonyahanada qurba joogta ee nool dalka Jarmalka, waxaanna  baaq ay u dirtay madaxda dowladda dhexe iyo madax goboleedyada ku shiraya Magaalada Dhuusamareeb ku sheegtay in ay ixtiraamaan dareenka iyo quluubta shacabka Soomaaliyeed ee xagooda soo eegaya, kuna dedaalaan in ay war farxad geliya ummadda Soomaaliyeed ka soo saaraan shirarkooda iyo kuwa ay ku balameen bisha Ogoosto.

Ruqiyo oo waraysi siisay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho, waxay ku nuuxnuusatay in shacabka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsanayn awooda ay leeyihiin, ee ay ku diidi karaan kuwa danaystayaasha ah ee dhagraya iyo kuwa ay ka go’an tahay in dadka Soomaaliyeed si lilaahi ah loogu qidmeeyo.

“Anigu waxaan qabaa qof kasta in lagu qiimeeyo sidii uu uga soo baxay shaqadii loo diray,  lagulana xisaatamo,  laga billaabo Madaxwayne ilaa Wasiir, oo uu soo horfadhiisto warbaahinta oo la yiraa; intaan oo balanqaad ayaad sameysay maxaa kuu qabsoomay.? aaway shaqo hebel, aaway shaqo hebel, ma doonayno ashuun ku addin, waxaan rabnaa mas’uulkii aan shaqo u dirsano inaan soo gole joojino.? xorriyadaas ayaan u baahanahay, mas’uulkii shaqadiisa ku guulaysta, ee dalbada waqti korin in haddana mucaahado cusub la la galo, nama qabato in nin kasta inta uu been inoo sheego inaan 4 sanno kale oo dib u dhac ah aan wajahno.” Ayeey tiri Ruqiya.

Ruqiya,  waxaa kale oo ay sheegtay in xaalada dalka marka loo eego dhowrkii sanno ee u dambeeyey in iminka ay jirto rajo wanaagsan iyo yididiilo, hasse ahaatee dowladda hadda jirta shaqadii looga fadhiyey iyo wixii uu qabsoomay in ay kaaf iyo kala dheeri tahay, waxaanna ay ugu baaqday madaxda dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan ammaanka, adeegyada bulshada iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo aan musuqmaasuq lahayn.

“Iftiin baa ii muuqda. Soomaaliya, rajadeedu halkii dhowr sanno ka hor ay tiilay maanta meel ka wanaagsan ayeey joogtaa, dalku siduu ahaa wuu ka soo hagaagayaa, madaxdeena waxaa leeyahay; wixii aad balanqaadeen iyo waxa idin qabsoomay waa kaaf iyo kala dheeri, 3 sanno iyo bar waxaad ku qaban karteen intaas iyo ka badan balse waxaad moodaa in aad gaabiseen” ayeey tiri Ruqiya.

Ruqiyo C/qaadir oo waraysi siisay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ah waxaa kale oo ay tilmaantay in ay nasiib darro ula muuqato in Dowladda laamaheeda ay ku jiraan shaqsiyaad qurbaha ka yimid, goob joogna u ahaa sida adduunku u shaqaynayo haddana diidan kala aragti duwanaanshaha, waxaanna ay u soo jeedisay madaxda in ay colleysan dada ka fikirka duwan.

“Dalkani wuu innaga badan yahay, waddan midkeena ka yar ayeey ku nool yihiin malaayiin qofood oo kala dhaqan iyo diin ah, annaga oo ah dad isku af iyo dhaqan ah oo ALLE innagu beeray dalkan barwaaqada ah suurtagal ma ahan inaan dalkeenna dibad joog ka noqono, kuwii dalka joogayna ay dhibaatooyin kala duwan haystaan,  waa in laga gudbo in shaqsiyaad dana gaar ah leh in loo afduubo masiirka iyo mustaqbalka dhowr, Soomaaliya waxay u baahan tahay in bog cusub loo furo” Ayeey tiri Ruqiya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post