1062 Views

Somaliland oo hanjabaad u dirtey Jabhad dhawaan la Aas’aasay

Somaliland oo hanjabaad u dirtey Jabhad dhawaan la Aas’aasay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 23 2020–Taliyaha qeybta Saddexaad ee Ciidanka Millateriga Soomaaliland ee Gobolka Sanaag Sareeye Guuto Muuse Jaamac Dalaf ayaa marka hore sheegay in Ciidamada Somaliland ay kala dhex-galeen laba maleeshiyo beeleed oo 19 Bishaan ku dagaalamay deegaanka Fadhigaab degmada Ceelafweyn ee Gobolkaasi Sanaag.

 

Taliyaha ayaa waxaa wax laga weeydiiyey Jabhad la dagaalameysa Soomaaliland oo laga Aas’asay Buuraleyda Siraadleey ee Gobolka Sanad,waxana uu sheegay inay yihiin dad aan 10 Ruux ka badneyn,isla markaana dadka ay buun buuniyeen balse ay yihiin kuwo aan waxba soo kordhineyn.

 

 

 

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in xilligaan Soomaaliland aan looga baahneyn wax Jabhad ah iyo Beelo is aruursaday,waxaana uu ugu hanjabaad inay tallaabo ka qaadi doonaan.

 

Deegaannada Soomaaliland ayaa dhowr jeer waxaa ka Aas’aasmay Jabhado kala duwan oo la dagaalamay Xukuumadda Soomaakiland,hayeeshee ugu dambeyn hab beeleed lagu xaliyey.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment