474 Views

Wararkii u dambeeyay ee xiisadda adag ee ka tagaan Yurub xilli ciidamada Ruushka ay ku sii siqayaan xadka Ukraine

Wararkii u dambeeyay ee xiisadda adag ee ka tagaan Yurub xilli ciidamada Ruushka ay ku sii siqayaan xadka Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: January 29, 2022

Madaxaweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dalalka Galbeedka ugu baaqay inaysan abuurin walaac xilli ay ciidamada Ruushku ku sii siqayaan xudduudaha dalkiisa.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ee ku siqaya xadka Ukraine ay tahay arrintii ugu weynays ee dhacda kaddib dagaalkii qaboobaa, isla markaana ay xasarad abuuri doonto haddii uu dagaal dhaco.

Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado Ukraine, wuxuuna sheegay in taageerada Mareykanka ee Ukraine ay khatar tahay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale ku eedeeyay reer galbeedka inay iska indhatireen walaaca dhanka ammaanka ee Ruushka.

Balse waxa uu sheegay in uu daraasad ku samayn doono jawaabta Maraykanka ka hor inta aanu go’aansan waxa uu samaynayo.

Maraykanka ayaa heegan galiyay 8,500 askar ah oo gobolkaasi ku sugan, taas waxaa barbar yaala ciidamada NATO laftooda oo iyaguna abaabulan.

Ruushka ayaa Maraykanka ku eedeeyay in ay hub badan geeyeen Ukrain. Maraykanka ayaa dhanka kale u digey dalka Belarus oo saaxiib la ah Ruushka, waa haddii ay caawiyaan Ruushka in ay la kulmi doonaan jawaab adag.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post