1128 Views

Ciidamada Suuriya oo si buuxda ula wareegay Magaalada Xalab

Ciidamada Suuriya oo si buuxda ula wareegay Magaalada Xalab
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Ciidamada Dawlada Suuriya ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Xalab oo ka mid ah deegaanadii ay iska hor imaadyada xoogani ku dhex mareen kooxaha mucaaradka dalkaasi Suuriya.

 

Wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamada xukuumadda Suuriya ee ka amar qaata Madaxweyne Bishaar Al-sasad ay si buuxda ugu suurta gashay inay hantiyaan gacan ku haynta magaalada Xalab oo ka mid ah deegaanada ugu muhiimsan ee dhinacyada Suuriya isku haya ay doorbidayeen gacan ku haynteeda.

 

Dhanka kale wararka ka imaanaya  dalka Suuriya ayaa sheegaya in 4 ruux  oo rayid ah ay ku  dhinteen qarax ka dhacay magaalada Tal-abyad ee waqooyiga dalka Suuriya, qaraxa ayaa waxaa  sababay gaari lagu soo raray walxaha  qarxa oo la dhigay waddo  dhinaceeda oo ah meel ay dadku ku badan yihiin, gaariga qarxay ayaa la sheegay in laga hagayay rimuudka gacanta.

 

Laamaha amniga ayaa rumeysan in qaraxaasi ay fuliyeen kooxaha argagixisada ee dalka Suuriya muddooyinkii dambe weerarada ka geysanayay, waxayna  caadaystay dhibaateynta shacabka, iyadoo waddada la dhigay qaraxa ee magaalada Tal-abyad ay si joogto ah u isticmaalaan ciidamada Suuriya ee dagaalka kula jira kooxaha mucaaradka iyo argagixisada dalkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment