108 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay kiiska dilka ah ee loo haysto wiilkiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay kiiska dilka ah ee loo haysto wiilkiisa
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kiiska xasaasiga ah ee loo heysto wiilkiisa Maxamed, kaas oo dhawaan shil baabuur oo sababay dhimasho ku galay dalka Turkiga.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa 38-sano jir mooto waday, ayaa waxaa ku dhacay gaari uu watay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu marayey waddo weyn oo ku taalla Istanbul. Yunus ayaa lix maalmood kadib, 6-dii December, ku dhintay isbitaal.

Xasan Sheekh, oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka ee AP, ayaa ugu horreyntii beeniyay in wiilkiisa oo 40 sano jir ah, sidoo kalena ah dhaqtar uu kasoo baxsaday Turkiga, kadib shilka, wuxuuna sheegay inuu maalmo joogay, kadib markii uu shilka dhacay.

“Waxa uu ahaa shil. Ma uusan cararin, waa taas sababta uu u qabsaday qareen,” ayuu yiri Madaxweynuha. “Ma jirin wax amar ah oo lagu soo xirayo…Marka,arrimo ganacsi buu lahaa, oo dalka wuu ka soo baxay.”

Waxa uu sheegay inuu kula taliyay inuu ku laabto gudaha magaalada Istanbul, si uu hor tago maxkamadda, una gar baxo.

“Waxaan kala hadlay inuu dib ugu laabto oo uu hory-tago maxkamadda, laakiin wiilkayga waa nin weyn, go’aankiisana isaga ayaa iska leh – laakiin taladaas ayaan siinayaa,” ayuu raaciyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska Yunus Emre Göçer oo ahaa 36 jir, kaas oo lix maalmood kadib u dhintay dhaawac kasoo gaaray shilka.

“Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska Göçer, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro, waxaan la wadaagayaa murugada geerida wiilkooda” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay saameyn doonaan wax kasta oo ku aadan sidii loo ixtiraami lahaa sharciga, looguna dhammeyn lahaa maxkamadda horteeda.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkaygu uu ixtiraamo sharciga iyo kala dambeynta Turkiga, una hortago maxkamadaha Turkiga,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wareysiga.

“Turkiga waa dal aan walaalo nahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan ixtiraameynaa shuruucda iyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka. Ka madaxweyne ahaan, marnaba ma oggolaan doono in qofna uu ku xad-gudbo nidaamka garsoorka dalkan.”

________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post