771 Views

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu danbeeyay ee xanuunka Covid 19

Wasaaradda Caafimaadka  Puntland oo faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu danbeeyay ee xanuunka Covid 19
____________________________________________________________________________

.

Febarayo   28 /2/ 2021

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu danbeeyay ee xanuunka Covid 19 ee Isbuucii la soo dhaafay kadib markii cudurka uu kusoo laba kacleeyay degaannada Maamulkaas.


War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in muddo todobaad ah la baaray dad gaaraya 572 ruux , hayeeshee xanuunka laga helay 82 kamid ah taasoo muujinaysa sara ukac inuu jiray marka loo eego todobaadyadii ka horeeyay.

Dadka Cudurka laga helay ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland sheegtay in badankood ay ku sugan yihiin magaalada Garowe oo laga helay 57 ruux oo ka mid ah.



Degaannada Puntland ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha uu cudurka COVID-19 ku soo laba kacleeyay, waxaana laga diiwaangeliyay dad farabadan, kuwaas oo cudurka laga helay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post