906 Views

Puntland iyo Jubaland oo goor dhawayd Saxaafada la hadlay burburka shirka dusha uga tuuray Farmaajo.

Puntland iyo Jubaland oo goor dhawayd Saxaafada la hadlay burburka shirka  dusha uga tuuray Farmaajo.
____________________________________________________________________________

April 7-4-2021

Waxaa goor dhawayd saxafada la hadlay Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubaland oo jawaab kulul siiyay Wasiir Dube oo ku eedeeyay maamuladaas in ay Mas’uul ka yihiin burburka shirk,ii manta lagu kala dareeray.

Labada maamul ee Puntland iyo Jubaland, waxay beeniyeen eedaynta dowladda Federaalka oo la xariirtay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay diideen in dalku doorasho aado, islamarkaana ay fashiliyeen shirkii Muqdisho.

Wasiirada labada dowlad goboleed, waxay sheegeen in uusan fashilmin shirka, balse madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu awoodda wareejiyo, maadaama mudda-xileedkiisu dhammaaday.

Sidoo kale, waxay boor isku-qarin ku tilmaameen hadalka wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe oo sheegay in Puntland iyo Jubaland fashiliyeen Shirka.

Wasiirka Warfaafinta Dawladd goboleedka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi ( Tima-cadde ) ayaa sheegay in aysan jirin Shir fashilmay oo Puntland iyo Jubbaland ogyihiin, waxa uuna tilmaamay in maanta shirku uu ku soo dhamaaday in la isusoo nasto oo dib la iskugu soo laabto markale

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post