1680 Views

Musharax Matalidoona Isbadal Doonka Oo Noqday Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur

Musharax Matalidoona Isbadal Doonka Oo Noqday Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | Noveember 25, 2018 – Musharixiinta Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Doorashada la filayo inay dhacdo 5 Bisha soo socoto.

Musharixiinta oo daqiiqado ka hor Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu Musharax koowaad u yahay Golaha isbadal doonka Koonfur Galbeed Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Golaha ayaa go’aankooda ku sheegay inuu imaaday kadib markii ay fiiriyeen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed sida ay hadalka u dhigeen iyo la tashiyo ay la sameeyeen Odayaasha deegaanadaas.

Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay faragelin ku heyso Doorashada isla markaasna aysan macquul aheyn in laga shaqeeyo waxaan aheyn rabitaanka Shacabka.

Golaha ayaa sheegay inuu Musharax u yahay Roobow Abuu Mansuur oo ay ku sheegeen inuu yahay Musharax ay rabaan shacabka Koonfur Galbeed.

Waxay tilmaameyn inay ka tanaasuleen mowqifkoodii gaar ahaaneyd isla markaasna ay u tanaasuleen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed.

Tartanka Doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda la aaminsan yahay inay u dhaxeyn doonto Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta Gareen.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment