1566 Views

Wasiirka Howlaha guud oo guddoomiyay shirka kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Howlaha guud oo guddoomiyay shirka kaabayaasha Dhaqaalaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 12, 2019 – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Shir gudoomiyey  Shirka Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka gaar ahaan dhismaha Wadooyinka iskuxira Gobolada Dalka (Regional Corridors) oo socondoona muddo saddex Maalmood ah.

Waxaa kasooqayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaacii, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta Afrika & Midowga Yurub.

Shirkan ayaa looga wada hadli doonaa inta uu socdo dib u dhiska wadooyinka iskuxira Gobolada Dalka ee bur buray & Dhismaha Wadooyin cusub oo hor leh taasoo faa’iido wayn u leh koboca dhaqaalaha dalka & Isku socodka Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa furay Shirka waxa uuna soodhoweeyey Wasiirada maamul goboleedyada, Bangiga Horumarinta Afrika & Dhammaan Madaxdii kasooqayb gashay shirka waxa uuna xusay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Wasaaradda Hawlaha Guud.

Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada Dalka ee shirka kasooqayb galay ayaa Dhankooda soodhoweeyey shirkan waxa ayna ammaneen dadaalka ay waddo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka.

 

 

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment