657 Views

Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaaminta ee saakay..

Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo  faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaaminta ee saakay..
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in qaraxan uu ku dhintay kaliya is-miidaamiyii fuliyey, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa todobo qof oo kale oo shacab ah, kuwaas oo wadada marayey

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu jiro burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj,.

“Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa intaasi raaciyey “Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.”.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana weli hakad ku jira dhaq-dhaqaaq isgoyska Sayidka oo bar-koontarool ku leeyihiin ciidanka amniga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post