477 Views

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo uga digay Ruushka inay isticmaalin hubka kiimikada ah ee wax gumaada ee Niyukliyeerka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo uga digay Ruushka inay isticmaalin hubka kiimikada ah ee wax gumaada ee Niyukliyeerka
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 17, 2022

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa uga digay Ruushka in dagaalka Ukraine uusan u isticmaalin hubka kiimikada ah ee wax gumaada ee Niyukliyeerka.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay shabakadda wararja ee CBS News, Biden, ayaa wuxuu sheegay in tallaabadan oo kale “ay bedeli doonto wejiga dagaalka, si ka duwan sidii hore, tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka”.

Ma uusan sheegin jawaabta uu Mareykanku ka bixin doono adeegsiga hubkan.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa heegan galiyay ciidamada Nukliyeerka ee dalkaasi, kadib duulaankii ay ku qaadeen dalka Ukraine bishii February ee ina dhaaftay.

Wuxuu u sheegay madaxda difaaca inay sababtu tahay “hadallada gardarada ah” ee ka imanaya dhanka iyo dalalka Reer Galbeedka.

Hubka Nukliyeerka, ayaa waxa haystaan dalalka ku yaalla dunida ku dhawaad ​​sideetan sano, iyadoo wadamo badan ay u arkaan mid gaashaan u ahdammaanad qaadka amnigooda qaranka.

Ruushka ayaa waxa lagu qiyaasaa inuu haysto ilaa 5,977 oo madaxyo nukliyeer ah, sida ay qabaan ururka saynisyahanada Mareykanka.

Hubka Nukliyeerka ah ee sida weyn wax u gumaada, ayaa loo isticmaali karayaa masaafo dhaw, oo kasoo horjeeda hannaanka caalamiga ah ee lagu heshiiyey, ama loo ikhtiraacay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post