1722 Views

Cabsi caawa ka jirta Muqdisho Degmooyinka Dayniile iyo wardhiigley kadib markii ay soo baxsadeen 2 Waraabe oo ku jiray xerada Daaru Salaam

Cabsi caawa ka jirta Muqdisho Degmooyinka  Dayniile iyo wardhiigley kadib markii ay soo baxsadeen 2 Waraabe oo ku jiray  xerada Daaru Salaam
____________________________________________________________________________

Isniin: November 15, 2021

Waxaa caawa maqribkii lagu kala cararay magaalada Muqdisho kadib markii uu soo baxay Warar sheegaya in ay soo baxsadeen 2 Waraabe oo ku jiray goob lagu xanaaneeyo xoolaha.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in labadaan waraabe ay caawa ka soo baxsadeen halkaas, gaar ahaan xerada xoolaha lagu xanaaneeyo ee Daaru Salaam.

Sidoo kale maamulka xeradaas ayaa goor dhawayd saxaafada u sheegay in ay jirto arintaas, taasi oo sababtay in cabsida ay sii balaarato.

Waraabayaashaan ayaa la sheegay in ay yihiin Baxsad, waxaana cabsida ka jirtaa Degmooyinka, Warta Nabada Dayniile ilaa wadada warshadaha oo caawa waqti hore lagu kala xarooday Cabsi waraabe dartiis.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post