636 Views

Qoorqoor oo xaafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka

Qoorqoor  oo xaafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka
____________________________________________________________________________


Talaado: August 10, 2021

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor xaafiiskiisa ku qaabilay xubna ka socday labada guddi ee kala ah; Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kuwaas oo shalay booqasho ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Guddigan oo uu hoggaaminayay guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa kala hadlay madaxweyne Qoorqoor sidii loo dar-dar galin lahaa hannaanka doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, weli ma shaacin musharraxiinta xubnaha Aqalka Sare, waxaana dhowr jeer oo hore guddigan uu ka codsaday inuu soo gudbiyo musharraxiintaas.

Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post