951 Views

Soomaaliya iyo Imaaraadka carabka oo ka wadahadlay haggaajinta xiriirka labada dal.

Soomaaliya iyo Imaaraadka carabka oo ka wadahadlay haggaajinta xiriirka labada dal.
____________________________________________________________________________


khamiis: January 20, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda dowladda Imaraadka Carabta, Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi.

Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyaga oo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post