2052 Views

Banaanbax ka dhan ah Maamulka Somaliland Oo ka Dhacay Sanaag

Banaanbax ka dhan ah Maamulka Somaliland Oo ka Dhacay Sanaag
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 09  November 2017Magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag waxaa ka dhacay Banaanbax dadka Magaalada ay ku diiddanyihiin Maamulka Somaliland ee sanaadiiqda codbixinta geeyay qeybo ka mid ah Gobolkaas.

Dadka isu soo baxay ayaa ku doodayay in Degaankooda aysan ka dhici karin doorashada madaxtnimada Somaliland,waxaana ay ku baaqeen in Somaliland ka laabtao hurinta colaad degaankaas ka dhacda oo dhexmarta Mamaullada Puntland iyo Somaliland.

Dadkan oo watay Calanka Dowladda Federaalka ah ee Somaliland ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Somaliland,waxaana ay xuseen in aysan marna codbixinta doorashada Maamulka Somaliland ka dhaceyn degaannadooda.

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa dhawaan guddi u saaray xaqiijinta amniga degaannada ay ku muransanyihiin labada maamul,waxaana guddiga shaqadiiso tahay in uu Xukuumadda ku wargeliyo in qeybo ka mid ah Puntland ay ka dhaceyso doorashada Maamulka Somaliland.

13-ka Bishan waxaa degaannada Maamulka Somaliland ka dhacaya doorashada madaxtinimada,waxaana ku tartamaya saddex musharrax oo ka kala socda Xisbigayada Kumiye,Ucid iyo Waddani.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment