576 Views

Dad si sharci daro ah ku galay Britain oo dib loogu soo celinayo Afrika

Dad si sharci daro ah ku galay Britain oo dib loogu soo celinayo Afrika
____________________________________________________________________________


Talaado: May 31, 2022

Dowladda Britain ayaa sheegtay in 14 bisha June duulimaadka ugu horreeya ee si qasab ah loogu qaadi doono dadka magangalyo-doonka ah la gayn doono dalka Ruwanda.

Xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha wax faafaahin ah kama bixin tirada qaxootiga la gaynayo Ruwanda.

Sargaal ayaa BBC u sheegay in dadkan dhammaantood imika lagu hayo goob xero ah.

Arrintan ayaa qeyb ka ah siyaasadda cusub ee UK, ay dadka magangalya-doonka ah ee Britain soo gaara lagu geynayo dalka Ruwanda.

Dadkan ayaa badankood ka soo galay Britain dhanka badda iyaga oo adeegsanaya Doomo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post