1437 Views

QM:”Dagaalka ka socda Yemen waxa uu hor-seeday macluul aad u daran”

QM:”Dagaalka ka socda Yemen waxa uu hor-seeday macluul aad u daran”
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 08, 2018-Hay’adda cunadda adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO ayaa sheegtay in xaalada Bini’aadanimo midii ugu xumeyd in ay ka jirto dalka Yemen oo dagaallo sukeeye ay ragaadiyeen.

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay Yemeniyiinta ilaa haatan ku sugan dalkaasi gudahiisa waxa ayna sheegtay in 22,000 ruux ay halis ugu jiraan in ay macluul ugu geeriyoodaan.

Arbacadii ina soo dhaaftay ayey aheyd markii wadahadalada nabada ee Qaramada Midoobe gar wadeenka ka tahay laga furay Magaalada Cobenhegan ee xarunta u ah dalka Sweden waxaana lagu wadahadalsiinaayey Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen, waxaana rajo fiican laga muujiyay in wadahadaladaasi ay kasoo bixi karaan heshiis waara.

Kol sii horesyay ayay sidaan oo kale Qaramada Midoobe ka deyrisay xaalada bini aadanimo ee ku noolyihiin Yemeniyiinta ku haray dalkaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment