1464 Views

-Maamulka G/Banaadir oo bilaabey qorsho looga hortagayo Coronavirus

-Maamulka G/Banaadir oo bilaabey qorsho looga hortagayo Coronavirus
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado   , March 17, 2020 —Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo Warbaahinta kula hadashay Xafiiskeeda ayaa waxa ay sheegtay in la sameeyay goobo loogu talagalay in lagu karan tiilo laguna daaweeyo dadka looga Shakiyay ama uu kudhaco Cudurka Coronaviruska oo kiiskii ugu horeeyay qof qaba lagahelay Muqdisho.

 

Waxa ay sheegtay in maamulka gobolka banaadir ay bilaabaayaan ka wacyi galinta shacabka Muqdisho si ay uga hortagaan faafitaanka Cudurka Coronaviruska.

 

 

 

Waxa ay intaa ku dartay in ay ka hergalinayaan xarumaha degmooyinka iyo xarunta maamulka gobalka banaadir goobo loogu talagalay in lagu dhaqdo gacmaha maadama ay yihiin goobo loogu adeego bulshada.

 

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in aan lagaarin heer la joojiyo waxbarashada , jaamacadaha , iskuulada iyo dugsiyada ku yaalla gobalka Banaadir maadama hal kiis kaliya oo cudurka Coronavirus ah dalka laga ahelay, qofka cudurkaas qabayna uu karan tiilanyahay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment