882 Views

Sawiro:-Guddoonka Aqalka Sare & Wakiilada Caalamka oo ka wada hadlay doorashada soo socota

Sawiro:-Guddoonka Aqalka Sare & Wakiilada Caalamka oo ka wada hadlay doorashada soo socota
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 8, 2019 | QOL |   –Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan.

 

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayey wakiillo ka socday Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub,waxaana kulanka ay uga hadleen sidii ay ku dhici laheyd doorasho loo dhan yahay oo qof iyo cod ah.

 

 

 

Xubnaha Wakiilada Caalamka ayaa ku baaqay in saamileyda Siyaasadda soomaaliya looga baahan yahay inay sameystaan siyaasad degan,isla markaana kawada tashadaan sidii ay ku dhici laheyd doorasho loo dhan yahay.

 

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Xubnaha Beesha Caalamka u sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ku howlan yahay dhameystirka iyo ansixinta Sharciga doorashooyinka oo ay Baarlamaanka u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment